Arbaco 11 March 2026 {HMC} Warbixin ay daabacday The Guardian ayaa iftiimisay cabsi iyo cadaadis sii kordhaya oo ay wajahayaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus ee Maraykanka, iyaga oo la kulmaya hanjabaado cunsuriyadeed, hadallo nacayb ah iyo cadaadis siyaasadeed oo la xidhiidha arrimaha socdaalka.
Warbixintu waxay sheegtay in golaha sharci-dejinta ee gobolka Ohio uu dhawaan soo jeediyay qorshayaal dhowr ah oo ku qasbi kara ciidamada ammaanka inay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adda socdaalka ee Immigration and Customs Enforcement (ICE). Tallaabadan ayaa walaac ku abuurtay bulshada muhaajiriinta, gaar ahaan Soomaalida ku nool gobolkaas.
Dhanka kale, golaha magaalada Columbus ayaa 23-kii February meel mariyay sharci ka mamnuucaya booliska magaalada inay fuliyaan hawlgallada socdaalka ee federaalka, sidoo kalena ka joojinaya shaqaalaha magaalada inay la shaqeeyaan ICE ama ciidamada ilaalinta xuduudaha Maraykanka iyaga oo aan oggolaansho ka helin golaha magaalada.
Kawther Musa oo ah sarkaal ka shaqeeya xidhiidhkaa bulshada ee magaalada Columbus, isla markaana Soomaaliya ka soo haajirtay iyadoo 15 jir ah, ayaa sheegtay in bulshada Soomaalidu ay tahay bulsho dadaal badan oo u hoggaansan sharciga. Waxay sheegtay in marka ay bulshooyinku koraan oo ay muuqdaan, mararka qaar ay la kulmaan falcelin nacayb iyo weerarro afka ah, kuwaas oo ay muhiim tahay in si dhab ah loo baadho.
Bulshada Soomaaliyeed ee Columbus ayaa la aasaasay kaddib markii tobanaan kun oo qaxooti Soomaaliyeed ay ka carareen dagaalladii iyo qalalaasihii ka dhacay Soomaaliya sanadihii 1990-meeyadii. Maanta, Soomaali badan ayaa ka shaqeeya qaybaha caafimaadka iyo xarumaha qaybinta alaabada ee badhtamaha Ohio, halka qaar kalena ay leeyihiin ganacsiyo badan.
Xasan Cumar oo ka tirsan ururka Somali Community Association of Ohio ayaa sheegay in Soomaalidu ay ku leeyihiin qiyaastii 500 ganacsi oo badankoodu ku yaalla agagaarka Cleveland Avenue ee waqooyiga Columbus. Cumarboo magaalada yimid sanadkii 1998 ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyay uu helay hanjabaado dil iyo fariimo cunsuriyadeed oo loogu soo diray telefoonkiisa.
Cumar wuxuu sheegay in xafiiska ururkooda oo ku yaalla meel u dhow suuq yar oo ganacsi uu sidoo kale badhtilmaameed u noqday dad ka tirsan kooxo xag-jir ah oo sawirro ka qaadaya dhismaha ururka. Wuxuu xusay in mararka qaar dad aan la aqoonsan ay saacado badan ku sugnaadaan albaabka xarunta iyaga oo duubaya muuqaal.
Arrin kale oo walaac leh ayaa ah mustaqbalka ku dhowaad 2,500 oo Soomaali ah oo ku sugan Maraykanka kuwaas oo haysta barnaamijka Temporary Protected Status (TPS), kaas oo la qorsheeyay inuu dhammaado 17-ka March. Go’aankaas ayaa imanaya xilli ay hay’adaha caalamiga ahi sheegayaan in Soomaaliya ay wajahayo gaajo baahsan iyo xaalado amni oo halis ah, iyadoo weli ay jirto khatar ka imanaysa kooxda Al-Shabaab.



