Jimco 12, Sep 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa noqotay wadanka sida ugu adag ula hadlay Israaiil Kulankii Golaha Ammaanka.
Hadalkii uu ka jeediyay Danjiraha Soomaalida ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa noqday midka ugu hadalhaaynta badan wadamada carabta iyo Warbaahinta Bariga-dhexe.
Danjire Baalle ayaa yiri “Waxa aan garab taagan nahay walaalaha Qadar oo xaq u leh in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay kaga jawaabayaan gardarrada israaiil, waxana uu intaasi raaciyay, Waxqabad la’aanta Golaha Ammaanka aanu waxba ka qabanayn dulmiga israaiil waxa ay shuruucdii caalamka ka dhigtay Afka baarkiisa ama hadal oo Kaliyah.






