Isniin, 22 Seb 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta guddoomiyey kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin;
• Iskaashiga Difaaca
• Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
• Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka
• Warbaahinta
• Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka)
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.






