Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa lagu casuumay shirka meertada 34aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha loona soo gaabiyo IMO oo ka dhacay Boqortooyada Ingiriiska, wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa u safray dalkaas.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hoggaaminayo wafdigaan, waxaana uu sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxa uu ku sheegay in rajo fiican ay ka muujinayaan miradhalka kulankaan isla markaana doorkooda ka qaadan doonnaan doodaha & aragti is dhaafsiga.
“Waxaan maanta hoggaaminayaa wafdi u ambabaxay Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo aan kaga qeyb galeyno meertada 34-aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO). Safarkan wuxuu fursad u yahay in aan ku matalno dalka, korna ugu qaadno danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku saabsan nabadgelyada, badbaadada iyo horumarinta howlaha badda caalamiga ah,” Ayuu yiri Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
“Waxaan rajeynayaa in kulankani uu noqdo mid miro-dhal ah oo kor u qaada kaalinta Soomaaliya ee howlaha IMO.” Ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.






