Axad 28 Sep 2025 {HMC} Dekedaha Muqdisho iyo Berbera ayaa loo aqoonsaday Marsooyinka ugu wanaagsanaa Bariga Afrika sanadkii tagay 2024 sida lagu sheegay daraasad ay si wadajir ah usoo saareen Bangiga Adduunka & Hay’adda Xog uruurinta Suuqa Caalamiga ah.
Halbeegga Container Port Performance Index (CPPI) ayaa lagu sheegay in Dekedahaan Muqdisho & Berbera ay qabteen Shaqooyin badan marka la dhinac dhigo Dekedaha kale ee ku yaalla Bariga Qaaradda Afrika.
Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soosaartay ku sheegtay in ay soo dhaweyneyso qiimayntaan oo guul muhiim ah dhaxalsiisay Dekedaha Muqdisho iyo Berbera.
Warbixinta Wasaaradda ayaa intaas lagu daray in daraasaddaan lagu qiimeeyay 407 Dekedood oo ku yaalla Adduunka oo dhan waxaana ku jira 47 Deked oo Afrika ah, waxaana laga eegay dhinaca waqtiga Markabka ku qaadanayo in uu yimaado Dekedda kana shiraacanayo.
“Warbixinta halbeegga CPPI ee la shaaciyay 24 Sebteember laguna qiimeeyay 407 dekadood oo adduunka oo dhan ah oo ay ku jiraan 47 dekadood oo Afrika ah, iyada oo laga eegayay waqtiga ay markabka ku qaadanayso in uu yimaado dekadda kana shiraacdo ayaa dekadda Muqdisho waxa ay noqotay midda ugu horreysa Bariga Afrika halka adduunka oo dhan ka gashay kaalinta 163-aad, sidoo kale Dekadda Berbera ay gashay kaalinta labaad ee Bariga Afrika iyo adduunka oo ay ka gashay kaalinta 243-aad, taas oo ka dhigan in ay labaduba ka waxqabad wanaagsanaadeen dekedaha facawayn ee gobolka.
” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.






