Soomaaliya oo dib u heyn ku sameynaysa Manhajka Qaran sannadka soo socda ee 2026.

0
24

Talaado  09, Dec 2025 {HMC}Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Shiikh Cabduqaadir, ayaa ku dhowaaqay in dowladda ay qorsheyneyso dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo Manhajka Waxbarashada dalka sannadka soo socda ee 2026.

Wasiirka oo khudbad ka jeedinayay munaasabad rasmi ah ayaa sheegay in Manhajku door ka qaadan karo qaabka iyo tayada ardayda ka soo baxda dugsiyada dalka.

“Sannadka soo socda ee 2026 waxaan dib u eegis ku sameyn doona Manhajka Waxbarashada dalka,” ayuu yiri Wasiir Faarax Shiikh Cabduqaadir.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay qorsheynayso in la xoojiyo tayada waxbarashada, la kordhiyo xirfadaha ardayda, lana hubiyo in manhajka la jaanqaado heerarka waxbarasho ee caalamiga ah.

Taariikhda Manaahijta Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya hirgalisay

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay manhaj qaran oo ku qoran af-Soomaali ku soo saartay intii u dhaxaysay 1972–1975, markaasi oo ku aadan in yar ka dib markii la qoray Farta Soomaaliga.

Kadib burburkii dowladdii dhexe 1991, waxbarashadu waxay noqotay mid aan mideysneyn oo ururro kala duwan ay maamulaan.

Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sannadkii 2014 bilowday qorshe dib loogu mideynayo Manaahijta Waxbarashada, iyadoo markii ugu horreysay tan iyo burburka la hirgeliyay Manhaj Qaran oo mideysan 2017, kaas oo laga hirgaliyay dhammaan dugsiyada dalka.

Marka kale Soomaaliya ayaa 2026 dib u habeyn ku sameyn doonta Manhajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here