Axed 8 March 2026 {HMC} Shir ku qabsoomaya muuqaalka fogaan-aragga ayay maanta yeelanayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta si ay uga arrinsadaan Xaaladda Bariga Dhexe gaar ahaan duqaynta Iiraan ay ku beegsatay Khaliijka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo horay u cambaaraysay weerarradaas ayaa markale codkeeda ku biirin doonta sida ay uga xun tahay duqaymaha Iiraan ee khasaaraha naf iyo mid maaliyadeed gaarsiiyay dhowr Dal oo carab ah.
Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay soo jeediso helitaanka nabad waarta oo aan shuruud ku xirnayn oo Bariga Dhexe ku faafta, waxa ay meel fog ka istaagi doontaa cid weliba oo ka shaqanaysa colaad ama dhibaato sida wararku sheegayaan



