KHAMIIS, 24 Jully 2025 {HMC} Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Guuleed Cabdijaliil oo ay wehliyaan xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo khubaro Caafimaad islamarkaana qeyb ka ah wafuud ka kala socotay dalalka aduunka, deeq bixiyaal iyo Hey’addaha caalamiga ah ayaa ka qeyb galey Shirka Tallaalka iyo Badbaadda Caruurta oo lagu qabtey dalka Mozambique.
Shirka Tallaalka iyo Badbaadda Caruurta oo ka dhacaayo magalaadda Maputo ee caasimadda dalka Mozambique ayaa waxaa furay Madaxweynaha Wadankaaas.
H.E. Daniel Chap, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta tallaalka wadamadda soo koraayo oo ay Soomaaliya ku jirto, iyadoo ujeedadda shirka uu ahaa in la keeno qorshayaal dhameestiran oo lagu gaaraayo kor u qaadista tallaalka, ka hortaga cuduradda loogu hortago tallaalka.
Inta uu socday Shirka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Dr. Guuleed Cabdijalil ayaa ka jeediyey khudbad muhiim aheyd oo ku saabsan hormarka Soomaaliya ay ka gaartay arrimaha Tallaalka iyo xoojinta gaarista caruurta aan tallaalka qaadan iyo sidoo kale xoojinta isku dhafka adeeg bixinta caaafimaadka oo ay Nafaqadda iyo Tallaalka ku jiraan.
Ugu danbeynti boqorada Spain HRH Infanta Cristina ayaa Shahaado Sharaf Caalamai ah gudoonsiisay Wasaaradda Caafimaadka maadaama ay ku guulaysatay in ay soo kordhiso labo Tallaal oo muhiim ah sanadkaan kuwaas oo kala ah Tallaalada PCV iyo Rota virus Vacciness iyado looga Mahadceliyay guushaas ku saabsan daah furka labadda tallaal ee loogu hortagayo cudurada ugu badan ee keena dhimashada Caruurta Soomaaliyeed ee kala ah Oofwareenka iyo Shuban biyooodka oo ah PCV iyo Rotavirus Vaccines.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hormarinta Caafimaadka Soomaaliya iyada oo la xoojinayo dhismaha hanaan Caafimaad oo bixin kara adeeg tayo leh dalka oo dhan si bulsho waynta Soomaaliyeed u hesho adeegga ay u baahan yihiin ee dhanka Caafimaadka ah.




