Arbaco 28 Jun 2026 {HMC} Soomaaliya ayaa Isniintii shalay si rasmi ah u shir-guddoomisay fadhiga Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana markii ugu horreysay ee ay xilkan qabato tan iyo sannadkii 1972-kii.
Kulankan heerka sare ah ayaa ahaa dhacdo muhiim ah oo diiradda lagu saarayay Horumarinta iyo xoojinta sarreynta sharciga ee ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Inkastoo markii hore la qorsheeyay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isagu hoggaamiyo kulanka, haddana socdaalkiisii New York ayaa u baaqday duruufa xagga cimilada ah oo ka jira dalka Mareykanka.
Sidaas darteed, waxaa xilka shir-guddoonka la wareegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle).






