Soomaaliya oo sheegtay in Shiinaha uu kakaluumaysan xeebaha Soomaaliya.

0
19

Axad 15 March 2026 {HMC} Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa difaacday maraakiibta kalluumeysiga ee Shiinaha ee ka howlgasha biyaha Soomaaliya, iyadoo beenisay in ay si sharci ah u shaqeeyaan, isla markaana ay haystaan rukhsado rasmi ah oo ay siisay dowladda federaalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in maraakiibtan ay u hoggaansamaan shuruucda Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee badaha, taas oo muujinaysa xiriirka istaraatiijiga ah ee muddada dheer ka dhexeeya labada dal.

Wasaaaradda Kalluumaysiga ayaa sidoo kale sheegtay inay qiimeyneyso xiriirka iskaashi ee ay la leedahay Shiinaha, iyadoo tilmaantay in shirkadaha kalluumeysiga ee dalkaas ay muujiyeen ixtiraam ku aaddan madax-bannaanida iyo maamulka badda ee Soomaaliya.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay si adag u cambaareysay dhammaan falalka sharci darrada ah ee ka dhaca biyaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kalluumeysi aan oggolaansho lahayn, ku xadgudubka maraakiibta, iyo qabashada doonyaha ay geystaan kooxo dembiileyaal ah. Dowladda ayaa sheegtay in falalkaas ay si toos ah u dhaawacayaan madax-bannaanida dalka iyo sharciga caalamiga ah ee badaha.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay sii deynta dhowaan ee doon kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, taas oo ay hore u haysteen kooxo hubeysan. Dowladda waxay u mahadcelisay hay’adaha ammaanka iyo dhinacyadii ka qeyb qaatay dadaallada lagu xaqiijiyay sii deynta doonta iyo badbaadinta shaqaalihii saarnaa.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa sheegtay in weli dib-u-eegis lagu sameynayo duruufaha ku xeeran dhacdadaas, iyadoo dowladda ay ballanqaadday inay qaadi doonto tallaabooyin lagu xoojinayo ilaalinta biyaha Soomaaliya si looga hortago dhacdooyin la mid ah mustaqbalka.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay inay sii xoojin doonto kormeerka aagga dhaqaalaha gaarka ah ee badda, adkeynta shuruucda kalluumeysiga iyo nidaamka rukhsadaha, iyo iskaashiga hay’adaha amniga badda si loo yareeyo burcad-badeedda iyo dambiyada kale ee ka dhaca badda.

Si kastaba ha ahaatee, Warkan kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmay xilli warbixin dhowaan soo baxday ay sheegayso in Shiinaha uu kalluumeysi sharci darro ah ka wado xeebaha Soomaaliya, kaasoo lagu baabi’inayo kheyraadka badda.

Maraakiibta kalluumeysiga ee Shiinaha, ayaa lagu eedeeyay in ay si joogto ah u joogaan biyaha Soomaaliya, iyagoo mararka qaar ka gudba xuduudaha sharci ee loo oggol yahay, kuna dhaqma habab kalluumeysi burburinaya oo culeys saaraya noocyada qiimaha leh sida tuna-da jaallaha ah (yellowfin tuna).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here