Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya & Turkiga ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dhinaca Isgaarsiinta Elektarooniga, Khibradaha & adkaynta Nidaamka Internetka sida lagu xusay bayaan kasoo baxay Labadaas hay’adood.
Soomaaliya waxaa heshiiskaan u saxiixay Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh waxa uu dhiggiisa Turkiga Ömer Abdullah Karagözoğlu uga mahadceliyay in heshiiskaan ay wadagalaan.
Heshiiska ayaa ka dhacay Xarunta hay’adda Qaran ee Isgaarsiinta Turkiga (BTK), waxaana Ankara ay xusay in heshiiskaan uu qayb ka yahay nidaaminta Isgaarsiinta Dayax-gacmeedka, Amniga Saybarka, Maaraynta hirarka kaabeyaasha Internetaka baahsan iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye, Ömer Abdullah Karagözoğlu ayaa sidoo kale bogaadiyay shaqada adag ay qabatay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya.
“Anaga oo u mareyna iskaashigan, waxa aan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaaminta, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Türkiye iyo Soomaaliya” ayuu yiri Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha BTK.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskaan uu muhiim u yahay xoojinta wadashaqaynta Hay’adeed ee u dhaxeeya Labadaan Hay’ad ee HIQ & BTK isla markaana awood siinayso dhisidda Awoodda Shaqaalaha.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Soomaaliya ku hoggaamisay isbaddello muuqda iyada oo la jaanqaadaysa Dalalka horumarka ka sameeyay arrimahaas, waxa ay ka qaybgashay shirar caalami ah iyada oo kusoo bandhigtay fursadaha iyo isbaddelka dalka ka jira.






