Arbaco 30 July 2025{HMC}Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga inta uu socdo shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo hadda ka socda magaalada Laascaanood.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in howlgal amni oo ay sameeyeen lagu qabtay shaqsiyaad abaabulan oo la tuhunsan yahay in ay damacsanaayeen carqaladeynta shirweynaha.
Shaqsiyaadkaas ayaa si degdeg ah loogu gudbiyey Taliska Qeybta Dambibaarista (CID) si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo, lana maxkamadeyn doono.
Booliska ayaa sheegay in ay ka go’antahay ilaalinta amniga iyo xaqiijinta in shirweynaha uu ku dhammaado jawi degan oo nabad ah.
“Waxaan bulshada ugu baaqeynaa in ay gacan naga siiyaan sugidda amniga, isla markaana ay ka fogaadaan warar aan la hubin oo lagu cabsi gelinayo bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska SSC-Khaatumo.
Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo ayaa waxaa ka qeyb galaya dad isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, iyo bulshada rayidka ayaa ku sugan magaalada Laascaanood.



