spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Stadium Muqdisho oo galabta marti galinaya kulanka degmooyinka Finalka .

Stadium Muqdisho oo galabta marti galinaya kulanka degmooyinka Finalka .

0
30

Thursday November 6, 2025 {HMC} Galabta ayaa lagu wadaa in garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho lagu qabto ciyaar dhex mari doonta kooxaha matalaya degmooyinka Warshiikh iyo Howlwadaag, kuwaas oo kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir.

Ciyaartan oo qeyb ka ah Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay u soo daawasho tagaan boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo xilli hore sii tagey garoonka Stadium Muqdisho.

Sidoo kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in goobjoog noqdaan kulan degmooyinka Warshiikh iyo Howlwadaag.

Garsooraha caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa qabanaya kulankan, maadaama uu xamaasad gaar ah lee yahay.

Taageerayaasha iyo dadka jecel ku badda cagta ku tilmaamay kulankan mid muujinaya nabadda iyo amniga ka jira caasimadda dalka ee Muqdisho.

Dhowaan kulan gaar ah oo ay yeesheen Taliska Qeybta booliiska gobolka Banaadir ayaa la amray in aan hub lala soo gali karin Garoonka Stadium Muqdisho, si looga fogaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here