spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Suuriya iyo Israa’iil oo Maanta Gaaray is fahankii Ugu Horeeyay.

Suuriya iyo Israa’iil oo Maanta Gaaray is fahankii Ugu Horeeyay.

0
15

Talaado 06 Jan 2026 {HMC} Suuriya iyo Israa’iil ayaa maanta is fahan ku gaaray magaalada Paris oo ay ku yeesheen wadahadallo uu Mareykanka dhex dhexaadiyay, sida ay werisey Axios oo xiganaysa warsaxaafadeed wadajir ay usoo saareen Mareykank, Suuriya iyo Israa’iil oo ay sii deysay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Qodobbada isfahanka ay ka gaareen Suuriya iyo Israa’iil, waxaa ka mid ah;
• Suuriya iyo Israa’iil, waxay mar kale xaqiijiyeen go’aankooda ah inay ku dadaalaan hirgelinta hannaan amni iyo xasillooni waarta oo u adeega labada dal.

•Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhiso hannaan wadajir ah oo isku-dhafan (fusion mechanism) unug isgaarsiin oo gaar ah , si loo fududeeyo isuduwid degdeg ah oo joogto ah oo ku saabsan wadaagista sirdoonka, dejinta xiisadaha militari, wada-xaajoodka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha ganacsi, iyadoo Mareykanka uu kormeerayo.

•Hannaankan wuxuu noqon doonaa madal lagu xalliyo khilaafaadka si degdeg ah, laguna hortago is-faham-waa kasta.

•Mareykanku wuxuu bogaadinayaa tallaabooyinkan togan, wuxuuna sii wadaa ka go’naanshihiisa taageeridda hirgelinta is-fahamkan, taas oo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu gaarsiinayo nabad waarta Bariga Dhexe.

• Ugu dambeyntii; Warsaxaafadeedkan wadajirka ah ayaa lagu sheegay inuu ka tarjumayo ruuxda kulankii maanta ka dhacay Paris iyo go’aanka labada dhinac oo muujinaya inay bog cusub u furaan xiriirkooda, si ay uga faa’iideystaan jiilalka mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here