Monday 11, Aug 2025 {HMC} Aas ayaa loo sameeyay shan wariye oo ka tirsan Al Jazeera, kuwaas oo ka mid ahaa toddobo qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ka fulisay magaalada Gaza, sida uu sheegay telefishanka Al Jazeera.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay beegsadeen weriyaha 28 jirka ah ee Anas al-Sharif, iyagoo ku eedeeyay inuu ahaa “madaxii unug argagixiso” oo ka tirsan Xamaas, balse ma aysan bixin caddayn badan oo taageerta sheegashadaas.
BBC-da waxay fahansan tahay in Sharif uu la shaqeyn jiray koox warbaahineed oo Xamaas ah gudaha Gaza ka hor dagaalka hadda socda – qaar ka mid ah qoraalladiisa baraha bulshada ka hor geeridiisana wuxuu ku dhaliilay Xamaas.
Al Jazeera waxay ku tilmaantay dilkiisa “khaarijin si gaar ah loo beegsaday” iyo “weerar kale oo cad oo horay loo qorsheeyay oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda”. Suxufiyiinta kale ee la dilay waxaa ka mid ahaa Mohammed Qreiqeh, iyo filim qaadeyaasha kala ah Ibrahim Zaher, Mohammed Noufal iyo Moamen Aliwa – sidoo kale waxaa ku dhintay weerarka wariyaha madaxa-bannaan ee Mohammad al-Khaldi.
Qaramada Midoobay waxay cambaareysay dilalkooda iyagoo ku tilmaamay “jab weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada”, halka Ururka Difaaca Wariyeyaasha (Committee to Protect Journalists) uu sheegay in 186 wariye la dilay tan iyo markii ay Israa’iil bilowday weerarka militari ee Gaza bishii Oktoobar 2023.
Israa’iil ma ogola hay’adaha wararka caalamiga ah, oo ay ku jirto BBC, inay si xor ah uga warbixiyaan gudaha Gaza, sidaas darteed warbaahinta badankeed waxay ku tiirsan yihiin wariyeyaasha ku sugan gudaha Gaza si ay u helaan macluumaad.






