Axad 1 March 2026 {HMC} Ali Khamenei wuxuu ku dhashay 19-kii Abriil 1939 magaalada Mashhad ee dalka Iran, wuxuuna ku soo barbaaray qoys diimeed ku caan baxay cilmiga Islaamka.
Dhallinyaranimadiisii wuxuu u hibeeyay barashada shareecada iyo culuumta diinta, isaga oo si tartiib ah ugu biiray dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday xukunkii Shah Mohammad Reza Pahlavi.
Mowqifkiisaas adag awgiis, dhowr jeer ayaa la xiray lana cadaadiyay, balse taasi ma wiiqin himiladiisa siyaasadeed iyo aragtidiisa isbeddel doonka ah.
Kacaankii Islaamiga ee 1979 kadib, wuxuu qabtay jagooyin kala duwan oo muhiim ah, waxaana 1981 loo doortay Madaxweynaha Iran, isaga oo ka badbaaday isku day dil oo bam lagu qarxiyay goob uu khudbad ka jeedinayay, taasoo sababtay in uu naafo ka noqdo gacanta midig.
Waxa uu xil ka Madaxweynenimo hayay illaa 1989, xilli dalku ku jiray dagaalkii dheeraa ee u dhexeeyay Iran iyo Ciraaq, 1980-1988.
Hoggaankiisa muddadaas wuxuu door muuqda ka qaatay adkeynta nidaamka cusub iyo dhisidda awoodda milatari ee dalka.
Kaddib geeridii Ruhollah Khomeini sanadkii 1989, Ali Khamenei waxaa loo doortay Hogaamiyaha Sare ee Iran, jagada ugu sarreysa uguna awoodda badan dalka.
Tan iyo markaas, wuxuu si toos ah u hagaa siyaasadda guud, ciidamada qalabka sida, iyo go’aamada istaraatiijiga ah ee qaranka.
Mudada dheer ee uu xilka hayo ayaa ka dhigtay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu saamaynta weyn uguna muddada dheer Bariga Dhexe.
Geeridiisa kaddib 🇮🇷 Iran ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroordiiq Qaran ah oo xaalad deg deg ah dalka la galinayo.
W/Q Cabdinaasir Xirsi Iidle






