spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in ay ruqsaynayaan askarta isticmaasha maandooriyaha

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in ay ruqsaynayaan askarta isticmaasha maandooriyaha

0
22

Jimco 24, Oct 2025 {HMC}   Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in isbaddel lagu sameeyay ciidankaas, waxa uu tilmaamay in meel fog ay ka istaageen askarta isticmaasha walxaha maanka dooriya iyo kuwa hubka iibsada.

Taliye Mahad ayaa tilmaamay in ciidamada kale ay ka badnaan karaan balse Ka Asluub ahaan loo baahan yahay in ay ka tayo wanaagsanaadaan taasina ay tahay sare u qaadaysa howsha loo igmaday ciidamadaan sida uu hadalka u dhigay.

Askarta qarisa xogta askari kale oo hubka iibsada ayuu sheegay in la ruqsaynayo haddii lagu caddeeyo ama lagu ogaado, waxa uu ka dalbaday in ay soo gudbiyaan wax weliba oo kahor imaanaya mas’uuliyadda saaran iyo anshaxa ciidanka.

“Xashiisheenta ayaa laga saaraa ciidanka, aan Aalkaluuste ka saarno ciidanka, waan ka dhammayneenaa, saraakiil ayaa u diraynaa, ciddii lagu qabto ma dhihi karto maxaa la ii eryay oo Amar Madaxweyne ayaa arrintaas ku qabaa” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Dhismaha ciidanka Asluubta ayuu sheegay in ay mas’uuliyad weyn ka taahay, waxa uu intaas ku daray in Dhallinyaro cusub ay u tababareen si ay u baddelaan ciidamada iyo saraakiisha howlgalka noqonaya ama gaaray da’dii ay uga fadhiisan lahaayeen shaqada ay hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here