spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Cidamadii AS ku jibiyay Ceeldheer.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Cidamadii AS ku jibiyay Ceeldheer.

0
31

Talaado, 16-Sep 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar “Ganeraal Khaalid” ayaa Degmada Ceeldheer Maanta Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka ugu qabtay Munaasabad isugu jirtay Ducada Geesiyadii Dagaalka ku shahiiday, Dhiiragalin iyo abaal marinta Ciidankii Casharka u dhigay Khawaarijta.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha Booliiska Hirshabelle Ganeraal Xasan Dhicisow Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka iyo Maamulka Degmada Dhamaan masuuliyiinta Goobta ka hadashay ayaa bogaadiyay Guusha ey gaareen Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka.

Gabagabadii Munaasabada ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar waxaa Sahaado shaaraf Bilado amaalmarino dhiira galin ey la socoto gudoonsiiyay Dal jirayaasha Xoogga Dalka iyo Saraakiishooda
Tani ayaa dhiiragalin gaar ah u ah Geesiyada Xoogga Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here