Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa Gaaray Deegaano ka tirsan Gobalka Shabellaha hoose kuwaa oo dhawaan laga Xureeyay Kooxda Al shabaab.
Taliyaha ayaa halkaa u tagay dhiirrigelinta Geesiyada Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka
Intii uu ku sugnaa deegaanada la xoreeyay Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamo la qaatay saraakiisha isagoo ka xaal wareystay Xalaadaha guud ee amniga, Sido kalana warbixino ka dhageystay,
Geesta kale Taliyaha ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada Isgarabsanayo.






