Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar “Gan Khaalid” ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay Deegaano ka tirsan Shabellaha Dhaxe
Taliyaha oo ey wehlinayeen Saaraakiil ka tirsan XD ayaa Deegaanada uu gaaray waxaa qeyb ka ahaa Shiikh yaalo Jabado warma’xoor Aaga Jabad Godane iyo Deegaano kale
Taliyaha ayaa intii uu kormeerka ku Jiray kulama la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan furimaha hore isaga oo ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladaha guud ee amniga.
geesta kale Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan difaaca dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaalladooda naf hurnimada leh
Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa guulo waa wayn ka gaaray howlgaladii ugu dambeeyay iyadoo lagu khaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal damacsanaa dhibaataynta shacabka soomaaliyeed.



