Sabti 18 Oct 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen degmada waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Korneel Cabdicasiis Xuseen Maxamed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Danab iyo Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah kormeer shaqo oo Taliyaha Ciidanka XDS ku tegay jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu kuur galo xaaladda amni iyo horumarka howlgalka Duufaanta Aamusan, kaas oo ciidamada Qaranka ay ka fuliyeen deegaano muhiim ah oo hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose.
Intii uu ku sugnaa degmada Awdheegle, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbixin buuxda ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, isagoo ammaanay dadaalka iyo guulaha ay ciidamada Qaranku ka gaareen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada argagixisada.
Taliyaha ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba jibaaraan howlgalada socda, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonida deegaannada laga xoreeyay, isagoo xusay in guulaha ay ka muuqdaan kartida iyo geesinimada ciidanka Soomaaliyeed.






