Arbaco 4 Feb 2026 {HMC}Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamud ayaa maanta xilka kala wareegaya Taliyihii dhowaan lagu baddelay ee Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, munaasabadda xilwareejinta ayaa ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga.
Munaasabadda Xilwareejinta waxaa ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirro iyo wakiillo kala duwan oo katirsan Beesha Caalamka sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Ammaanka Xeendaabka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyey, waddooyinka qaar ee muhiimka u ah isu socodka Madaxda ka qaybgalaysa xilwareejinta ayaa la dhigay Ciidamada Koofiya-casta ee mas’uuliyiinta dalka hoggaamiso amnigooda sugta
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 29kii Janaayo 2026 waxa uu General Ibraahim Maxamed Maxamuud u magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka halka xilkaas laga qaaday Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.






