Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Senetarada aqalka odayaasha Maraykanka ayaa ansixiyay in Janaraal Dagvin Anderson oo ahaa Taliyaha ciidanka Cirka Dalkaas uu noqdo taliyaha ciidanka AFRICOM ee ka howlgalla qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeedinta Magacaabista u gudbiyay aqalka Senate-ka dalkaas oo ugu dambeyn ansixiyay.
Waxa uu tagi doonnaa xerada ugu sarreysa ciidanka AFRICOM ee Stuttgard Dalka Jarmalka.
Dagvin Anderson ayaa u mahadceliyay Senatarada Maraykanka, waxa uu sheegayin in xoogga uu saarayo soo kordhinta waxyaabaha loo baahan yahay sida tayaynta howlgalka, la shaqaynta saaxiibada garabka siiya iyo kuwo kale.



