Arbaco Dec 17, 2025 {HMC} Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Talyaaniga, Matteo Salvini ayaa uga digay reer Yurub iskuday kasta oo ay dagaal kula geli karaan Ruushka, wuxuuna dib u xasuusiyay hoggaamiyeyaashii ugu ad-adkaa ee Yurub iyo wixii ay kala kulmeen Ruushka
“Haddii Hitler iyo Napoleon ay ku guuldarreysteen inay Moscow jilbaha u dhigaan intii ay socdeen duullaankoodii Ruushka, markaa waa mid aan macquul ahayn in Kaja Kallas, Macron, Starmer iyo Merz ay ku guuleystaan arrintaas.”






