spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Toddobo Kamid ah Askarta Uganda oo lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka...

Toddobo Kamid ah Askarta Uganda oo lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

0
37

Isniin 23, June 2025 {HMC}  Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in toddobo askarteeda kamid ka ah Howlgalka AUSSOM lagu dilay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Uganda Brig. Gen. Felix Kulayigye oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in toddobada Askari qeyb ka ahaayeen Howlgalka AS looga saarey deegaanka muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole.

“Nasiib darro, waxaan dagaalka ku waynay toddobo askar oo kamid ahaa ciidanka Uganda” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Uganda.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka Uganda u bareereen khatarta dagaalka AS ayna sii wadi doonaan.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamo u diray hawlgalada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliy, iyaga oo qeyb ka ah tan iyo sanadkii 2007.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here