isniin 16 Feb 2026 {HMC} Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa Gobolka Minnesota ka saaray 1,000 askari oo katirsan waaxda socdaalka iyo la dagaalanka Soogalootiga ee ICE kuwaas oo rabshado iyo xiisad ka abuuray Gobolkaas muddadii ay joogeen.
Ciidankaan ayaa intii ay ku howlanayaan fulinta amarka Maamulka Madaxweyne Donald Trump waxa ay gaysteen dambiyo kala duwan sida ay dileen Dad rayid ah, kuwo kale ay xireen sidoo kalena ay sabab u noqdeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga Gobolkaas.
Doodda bixitaankooda ayaa gaartay heer Madaxweyneyaal hore ay ka qaylo dhaamiyaan, inkasta oo Donald Trump uu ka dhega-furaystay baaqyadaas haddana ugu danbayn wuu ka saaray Gobolka Minnesota waana tan la hadal hayo saacadihii lasoo dhaafay.
Xoghayaha Amniga Gudha Maraykanka, Tom Homan ayaa sheegay in Ciidan yar oo aan tiradiisa la shaacin ay ku hareen Gobolka Minnesota iyaga oo muddo aan la iclaamin sii joogi doonna balse ciidamadii badnaa iyo kuwii gurmadka ugu tagay ayaa isaga baxay Gobolkaas.
Howlgalka ICE ee Minnesota waxa uu billowday 1dii December sanadkii tagay ee 2025, waxaa la sheegay in ay ciidamadu xireen tan iyo xiligaas dad gaaraya 4,000 oo Soomaali ay ku jirto kuwaas oo xabsiyada ku jira sida xoguhu tilmaamayaan.






