Trump oo jawaab uusan ku qancin kala kulma Madaxweynaha .DFS oo uu ku dacweeyay Ilhaan Cumar

0
56

JIMCO  26, Sep 2025 {HMC}Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku dacweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud balse uu kala kulmay natiijo uusan mahdin.

Donald Trump ayaa sheegay in uu Madaxwweynaha Soomaaliya ka dalbaday in uu ka kaxeeyo Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Congress-ka oo laf dhuungashay ku noqotay laakiin uu u sheegay in uusan doonin arrintaas.

“Waxa aan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya oo aan usoo jeediyay in uu Ilhaan xakameeyo ama kaxeeyo balse waxa uu igu dhahay ma doonayo” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Dagaalka afka ah ee ka dhaxeeya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump & Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa gaaray meel sare, Trump ayaa dhowaan si toos ah u dhaleeceeyay Soomaaliya iyada oo Dowladda Federaalka ay ka dhiidhisay arrintaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Ilhaan Cumar ay difaacayaan haddii lagu cunsuriyeeyo jinsiyaddeeda asalka ah, waxa ay tani keentay in Madaxweyne Donald Trump uu qaado tallaabo kale oo ah in uu ku dacweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilhaan Cumar ayaa iska difaacday weerarro dhinacyo kala duwan uga yimid sida Madaxweynaha Maraykanka iyo xubno la safan, waxa ay kala hortagtay difaac adag iyada oo sheegtay in ay isaga filan tahay af iyo sharci midda weerar weliba oo lagu soo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here