Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu la noqday casuumaad uu u diray Ra’iisul wasaaraha Canada , Mark Carney oo la xiriirtay in Canada ay ka mid noqoto golaha nabadda , isagoo yiri ;
“ Fadlan ogow in warqaddan ay caddeyneyso in Golaha Nabadda uu la noqday casuumaaddii laguu fidiyay ee ku saabsan ku-biirista Canada, golahaas oo la qorsheeyay inuu noqdo golaha hoggaamiyeyaasha ugu sharafta badan ee abid la isugu keeno, waqti kasta ha ahaadee.”
Go’aankan ay carada ka muuqato ee Trump, uu gaaray ayaa salka ku haya khilaaf shalay ka dhacay magaalada Davos oo lagu daahfuray golaha , halkaa oo Trump uu ka sheegay in Canada ay ku waajib tahay inay uga mahadceliso Mareykanka, maadaama uu sababay kobaca dhaqaalaheeda, balse hadalkan waxaa si dhaqso leh uga jawaabay Ra’iisul wasaaraha Canada , Mark Carney oo sheegay in dhaqaalaha dalkiisu yahay mid madax-bannaan, uuna ku tiirsanayn cid kale.



