Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa waxyar ka hor ku qaabbilay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Al Thani iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar ,Sheikh Mohammed Al Thani gudaha diyaaradda Air Force One oo taagan garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa, wuxuuna Trump ku sheegay qaabka uu kulanka u dhacayo inay sharaf u tahay , isagoo ku ammaanay Qatar doorka ay ka qaadatay nabadeynta bariga dhexe.
Trump ayaa ku sii jeeda Malaysia , waxaana si deg deg loo qorsheeyay kulanka uu Air Force One kula qaadanayo Amiirka iyo ra’iisul wasaaraha Qatar, balse lama sharrixiin waxa qasbay kulankan inuu si deg deg ah u dhaco.






