Trump oo lagu warramayaa inuu ku amray cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Mareykanka.

0
22

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Trump ayaa lagu warramayaa inuu ku amray cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Mareykanka , inay diyaariyaan qorshayaal deg deg ah oo Mareykanka uu ku qabsan karo jasiiradda Greenland oo hoos tagta Denmark.

Isla markii warbixintan ay soo baxday , wuxuu Trump ku baahiyay bartiisa gaarka ah sawir uu meel sare saaranyahay oo lagu dul qoray ‘mar dhow’ ,taa oo loo qaatay in loola jeedo; “ Mar dhow waan idin dul joognaa.”

In kasta la taliyayaasha sare ee Trump oo ku jiro Stephen Miller, ay dhiirrigelinayaan in si dhaqso ah tallaabo loo qaado si Mareykanka u aqbsado Greenland, hadana ma noqonayso tallaabo fudud oo si xoog ah u dhacda ,

Sababtoo ah jasiiradan waxay hoos tagtaa Denmark, oo xubin ka ah NATO, waxaana xoog kasta oo milatari oo Mareykanka uu jasiiradan ku qabsado ay kicin kartaa xiisad ka dhex qaraxda NATO, xilli dalalka Yurub ay horey uga soo horjeesteen hanjabaada Trump ee qabsashada Greenland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here