spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Trump oo shaqada ka joojiyay la-taliyahiisa amniga qaranka kadib shirqool sir...

Trump oo shaqada ka joojiyay la-taliyahiisa amniga qaranka kadib shirqool sir ah u maleegay.

0
73

Axad 04, May 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilka ka
qaaday la-taliyihiisii amniga qaranka, Michael Waltz, kadib markii si tartiib tartiib ah uu u korayay khilaaf la xiriiray aragtiyaha siyaasadeed iyo cabsi laga muujiyay qaabkiisa madax-bannaan ee go’aan qaadashada.

Inkasta oo sababta ugu dambeysa ee xil ka qaadistu ay ahayd markii uu bishii Maarso weriye ku daray Group Signal App ah oo xasaasi ah, haddana ilo-wareedyo ku dhow Aqalka Cad ayaa sheegay in mowqifkiisa dagaal-doonnimo – gaar ahaan arrimaha Iran – iyo isku dhacyadiisa joogtada ah ee saraakiisha sare ay gacan weyn ka gaysteen go’aankaasi.

Waltz, oo horey uga tirsanaa cutubka khaaska ah ee ciidamada Mareykanka (Green Berets), ayaa si isa soo taraysa u khilaafayay aragtida Trump ee ku dhisan ka fogaanshaha faragelinta dibadda.

Khilaafku wuxuu sii xoogaystay kadib kulan bishii Febraayo uu Trump la yeeshay Ra’iisul
Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, halkaas oo Waltz lagu eedeeyay inuu si buuxda ula saftay Netanyahu oo u ololeynayay weerar milatari oo ka dhan ah Iran. Trump ayaa la sheegay inuu si weyn uga carooday markii uu ogaaday in Waltz uu si qarsoodi ah ula shaqeynayay Israa’iil iyadoo aysan jirin qorshe diblomaasiyadeed oo qeexan.

Xiisadda gudaha Aqalka Cad ayaa cirka isku shareertay iyadoo Madaxa Shaqaalaha Susie Wiles iyo saraakiil kale ay bilaabeen iney u arkaan Waltz inuusan la jaanqaadi karin ajandaha madaxweynaha.

Inkastoo Madaxweyne ku xigeen JD Vance uu isku dayay inuu difaaco Waltz – isagoo geeyay safar uu ku tagay Greenland isla markaana la kulansiiyay siyaasiyiin ra’yigiisa la wadaaga.

Dhacdadii Signal oo jebisay xeerarka isgaarsiinta ayaa u muuqatay tii ugu dambeysay ee
kalsoonida wiiqday, inkasta oo mas’uuliyiin qaar ay ku doodayaan in barnaamijka Signal loo
isticmaalayay wada-hadallo aan sir ahayn.

Xilkaas kadib, Madaxweyne Trump wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio u
magacaabay la-taliye ku-meel-gaar ah oo dhanka amniga qaranka ah. In kastoo Rubio uu kasoo jeedo garabka Jamhuuriga ee dhaqanka leh sida Waltz, haddana wuxuu muujiyay diyaar u ahaansho inuu la jaanqaado jihada cusub ee siyaasadeed ee Trump.

Magacaabistiisa ku-meel-gaarka ah ayaa loo arkaa mid muujinaysa in muhiimaddii Golaha
Amniga Qaranka (NSC) ay sii yaraanayso, iyadoo Trump uu doorbidayo daacadnimo shaqsiyeed iyo isfahan toos ah halkii uu ka raaci lahaa nidaamka hay’adaha iyo wada-tashi ballaaran.

Trump ayaa si kastaba ha ahaatee u magacaabay Waltz inuu noqdo danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, tallaabo sii haynaysa xil dowladeed laakiin ka fogaynaysa go’aan
qaadashada siyaasadda arrimaha dibadda ee Aqalka Cad.

Tani waxay sidoo kale calaamad u tahay isbeddelka baaxadda leh ee uu Trump qorsheynayo inuu ku sameeyo xukuumaddiisa labaad – isagoo beddelaya saraakiil khibrad dheer u leh hay’adaha dowladda kuna beddelaya kuwa daacad u ah aragtidiisa, gaar ahaan marka laga hadlayo siyaasadda dibadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here