spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Trump oo Shuruud ku xiray cunaqabateyn la saaro Ruushka.

Trump oo Shuruud ku xiray cunaqabateyn la saaro Ruushka.

0
37

Axad 14 Sep, 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu cunaqabateyn adag ku soo rogo Ruushka, balse waa haddii dalalka Nato ay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo ay ka mid yihiin joojinta iibsashada saliidda Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay inuu “diyaar u yahay inuu soo rogo cunaqabatayn weyn oo ka dhan ah Ruushka” marka ay waddamada NATO “isku raacaan, oo ay bilaabaan, inay sameeyaan isla arrintaas.”

Trump ayaa marar badan hanjabaado culus u jeediyay Moscow, laakiin ilaa hadda wax tallaabo ah ma qaadin, xilli Kremlin-ku uu iska indhatiray waqtiyadii kama dambaysta ahaa iyo hanjabaadihiisa cunaqabataynta.

Wuxuu ku tilmaamay iibsiga shidaalka Ruushka mid “yaab leh” wuxuuna sidoo kale soo jeediyay in NATO ay saarto canshuur dhan 50 ilaa 100% Shiinaha, isagoo ku andacoonaya in tani ay daciifin doonto “xakamaynta xooggan” ee Ruushka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here