Trump oo si dhab ah u tixgelinaayo in uu soo saaro oggolaanshaha uu ku weeraraayo Mareykanka Iiraan.

0
10

Axad 11 Jun 2026 {HMC} Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa u sheegay Bloomberg; in Trump uu si dhab ah u tixgelinayo inuu soo saaro oggolaanshaha weerar uu Mareykanka ku qaadayo Iiraan.

CNN, ayaa dhankeeda werisey hadda Trump inuu ku mashqulsan yahay xulashooyinka weerarrada milatari ee ka dhanka ah Iiraan.

Tilmaamaha oo dhan waxay muujinayaan Mareykanka inuu weerarri karo Iiraan, tallaabo sii murjinaysa xaaladda , xilli bannaanbaxyo ay ku dhinteen in ka badan 586 qof ay socdaan gudaha Iiraan.

Waxay Iiraan ku hanjabtay weerar kasta oo Mareykanka dhulkeeda ka geysto inay uga jawaabayso weerarro ka dhaca gudaha Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka ku leeyahay bariga dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here