Turkey oo Dib Ugu Celinaayo Ruushka Nidaamka difaaca cirka ee S-400.

0
60

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Dowladda Turkey ayaa qorsheynaysa in ay nidaamka difaaca cirka ee S-400 dib ugu celiso Dowladda Ruushka.

Haddii taasi dhacdo, Ruushka ayaa la sheegay inuu dib u iibin doono, taasoo ka saari karta Maraykanka sababtii uu Turkiga uga hor istaagay barnaamijka diyaaradaha F-35.

Saraakiisha Turkey ayaa sheegay in qorshahaan la dhaqangalinayo, islamarkaana ay suuragal tahay in xal laga gaaro khilaafka labada dal. Maraykanka ayaa shuruud ka dhigay in aan diyaaradaan laga iibin doonin Turkey inta ay haysato nidaamka difaaca Ruushka.

Haddii taas la dhamaystiro, waxay Turkiga u furi kartaa waddada dib ugu soo laabashada barnaamijka F-35.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here