Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa cadaadis kala kulmaya badda madow, muddo dheer oo maraakiibta Turkiga ay ka faa’iideysanayeen xaaladda Ukraine oo ay ahaayeen maraakiib aan caqabad kala kulmin inay ku xirtaan dekedaha Ukraine ,
hadda waxay u muuqataa taas inay tahay waxaan sii socon karin, kaddib markii shalay weerarkii afaraad oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qaaday markab uu Turkiga leeyahay isla xilligii uu ka soo baxay deked ku taalla Ukraine , waxay weerarradan dhaceen wax ka yar labo toddobaad gudahood.
Weerarrada ay la kulmayaan maraakiibta Turkiga , ayaa dhacaya , xilli labo toddobaad ka hor la qarxiyay labo markab oo Ruushka uu leeyahay , kuwaasoo ku burburay badda madow. Ma cadda haddii Ruushka uu aargoosi u beegsanayo maraakiibta Turkiga oo ku xirta dekedaha Ukraine.






