spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Turkiga iyo Sucuudiga ayaa si wadajir ah u xaqiijiyey taageerayaan madax-bannaanida iyo...

Turkiga iyo Sucuudiga ayaa si wadajir ah u xaqiijiyey taageerayaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,

0
3

Khamiis 5 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyey taageerayaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka hor yimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

War-murtiyeed kasoo baxay Agaasinka Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay carrabka ku adkeeyeen taageeradooda ku aaddan ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xasilloonida dalka, horumarka, iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed.

Qodobka ugu culus ee kulanka labada dhinac ayaa ahaa diidmada ay ka muujiyeen tallaabadii dhowaan Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Turkiga iyo Sucuudiga ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah oo dhiirrigelinaysa dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah, isla markaana xad-gudub ku ah sharciga caalamiga ah, taas oo sare u qaadaysa xiisadaha ka jira gobolka.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore ay Israa’iil shaacisay inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo ay si diideen Dowladda Soomaaliya iyo dalalka kale ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here