Sabti 13, Dec 2025 {HMC} DowladdaTurkiga ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha saldhigga hawada sare ee laga gano gantaallada iyo dayax-gacmeedyada, kaas oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya.
Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Ankara ay si xowli ah ugu socoto inay noqoto quwad kusoo biirta tartanka hawada sare ee caalamka.
Guddoomiyaha shirkadda Baykar, Selçuk Bayraktar, oo ka hadlayay shirkii Take Off İstanbul 2025, ayaa xaqiijiyay in mashruuca dhismaha saldhigga laga bilaabay meel uu ku tilmaamay mid “xeeb bad leh oo istaraatiiji ah” oo ku taalla Soomaaliya.
Bayraktar wuxuu yiri “Turkiga hadda waxay leedahay meel laga gano dayax gacmeedka, Meeshaas waxay leedahay dhul baaxadiisu dhan tahay 30 km x 30 km oo ku habboon hawlgallada hawada sare. Dunida oo dhan waxaa jira oo keliya 12 saldhig oo noocan ah.”
Wuxuu intaas ku daray in saldhigga ay wada isticmaali doonaan shirkado kala duwan oo Turkish ah, sida Roketsan iyo Baykar, isla markaana ay mustaqbalka qorsheynayaan in halkaas lagu duuliyo gaadiidka hawada sare ee ay soo saaraan.
Saldhigga cusub ayaa Soomaaliya ka dhigaya khariidadda hawada sare ee caalamka, iyada oo noqonaysa goob ku cusub gobolka oo ay isticmaali doonaan injineerro iyo khubaro Turkish ah. Waxa uu sidoo kale noqon karaa mashruuc kobciya iskaashiga labada dal ee dhinacyada teknoolojiyadda, ammaanka iyo maalgashiga.






