Turkiga oo ku dhawaaqay Xoojinta iskaashiga kala dhaxeeyo Sacuudiga.

0
24

Axad  4, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS), isaga oo sheegay in Ankara ay doonayso in ay qaaddo tallaabooyin cusub oo lagu sii xoojinayo iskaashiga Turkiga iyo Sacuudiga.

Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Yemen ay muhiim u tahay xasilloonida guud ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga wuxuu sheegay in Ankara ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato dadaallada lagu isu soo dhoweynayo dhinacyada isku haya Yemen, si xal waara loo helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here