Turkiga oo war ka soo saartay wararkii ka dhacday dalkaasi.

0
8

Talaado 7 April 2025 {HMC}Dowladda Turkiga ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerar ay dabley hubeysan ku qaadeen qaaday meel u dhow dhismaha qunsilyada ay Israa’iil ku leedahay magaalada Istanbuul.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Mustafa ayaa sheegay in weerarka ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday, halka ay dhaawacmeen labo askari oo booliis ah.

Wuxuu sheegay in ragaan ay ka yimaadeen magaalada Izmit, oo qiyaastii 100km dhanka bari ka xigta magaalada Istanbul, iyagoo wata gaari raaxo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in weerarkaan loogu talagalay in lagu dhaawaco sumcadda Turkiga, loona ekeysiiyo goob aan amni aheyn.

Xilliga ay ragaan weerarka soo qaadeen ma jirin qof u dhashay Israa’iil oo ku sugnaa dhismaha Qunsuliyada ay ku leeyihiin magaalada Istanbuul.

Weerarkaan ayaa waxaa lala xiriirnaya dagaalka ka socda Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Iiraan oo dhinac ah iyo Mareykanka oo kashanaya Israa’iil.

Balse Dowladda Turkiga ayaa caddeysay in ay wado baaritaan dheeraad ah, isla markaasna la ogaan doono sababta rasmiga ah ee weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here