Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Kooxda hubeysan ee Rapid Support Forces (RSF) ee dalka Sudan ayaa fulisay weerar ballaaran oo ka dhacay Gobolka Waqooyiga Darfur, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan soo gaaray.
RSF ayaa gudaha u gashay magaalada Misteriha, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 28 qof kuna dhaawacday 39 kale, oo ay ku jiraan 10 haween ah, sida ay sheegtay shabakadda Sudan Doctors Network oo la socota tacaddiyada ka dhaca dagaalka saddexda sano jirsaday.
Weerarkaasi wuxuu burburiyay xaruntii caafimaad ee kaliya ee deegaanka. Shaqaalaha caafimaadka ayaa ka mid ahaa dadka la weeraray, iyadoo hal shaqaale caafimaad la xiray isla markaana weli la la’yahay, sida ay shabakadda sheegtay.
“Falalkan waxay ka dhigan yihiin dembi buuxa iyo xadgudub cad oo ka dhan ah dhammaan xeerarka bani’aadannimada iyo kuwa caalamiga ah ee mamnuucaya weerarrada lagu qaado dadka rayidka ah,” ayay tiri shabakadda.
Weerarka Misteriha wuxuu ku soo beegmay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha qabiil ee ka taagan galbeedka Darfur, halkaas oo baaritaan ay sameeyeen Qaramada Midoobay toddobaadkii hore lagu sheegay in RSF ay falal xasuuq ah ka geysatay kooxo aan Carab ahayn.






