Jimco 23-Jun 2026 {HMC} Safaaradda Boqortooyada Midowday ee UK ku leedahay Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo la filayo in bisha soo socota lagu qabto magaalada Muqdisho.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay safaaraddu ayaa lagu sheegay in UK ay ku dhiirrigelinayso hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay fursaddan uga faa’iideystaan sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka, iyada oo la adkeeyay in is-afgarad lagu wada qanacsan yahay uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Sidoo kale, safaaradda UK ayaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ku boorrisay in ay ka qeyb qaataan shirka, isla markaana dhammaan dhinacyada siyaasadda ay muujiyaan tanaasul iyo wadashaqeyn si loo gaaro go’aan la isku raacsan yahay.
Hadalkan ayaa daba socda bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya 19-kii Janaayo, kaas oo si rasmi ah ugu martiqaaday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed in ay shir ku yeeshaan Muqdisho 1-da Febraayo 2026.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaacisay in la dhisay guddi wasiiro ah oo qaabilsan diyaarinta shirka, kaas oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin.
Shirka la filayo ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahayso caqabado siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo is-afgaradka hoggaaminta dalka, iyadoo indhaha caalamkuna ay ku sii jeedaan natiijada ka soo baxda wadatashigan qaran.



