Axad 24, Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay sii wadi doonto dagaalka ay ugu jirto xorriyaddeeda, isaga oo khudbad u jeediyay shacabka dalkiisa maalinta madaxbannaanida.
Waxa uu yiri: “Waxaan u baahan nahay nabad caddaalad ah, nabad mustaqbalkeennua aan go’aamino annaga oo keliya.” Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay iska difaaci doonto Ruushka “ilaa iyo inta laga dhageysanayo baaqeeda nabadda.”
Wuxuu sidoo kale yiri: “Ukraine weli guul ma gaarin, balse sidoo kale ma aysan guuldareysan.”
Hadalka Zelensky ayaa yimid kadib markii Moscow ay sheegtay in Ukraine ay weerar ku qaaday xarumo koronto iyo tamar oo ku yaalla gudaha Ruushka, taasoo lagu eedeeyay duqeymo drone loo adeegsaday ay sabab u noqotay dab ka kacay warshad tamar nukliyeer ah oo ku taal gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka.



