Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Xisbullah iyo Israa’iil ee ka taagan xuduudka koonfureed ee dalka Lubnaan, ayaa dadka u kuur gala waxa ay rumeysan yihiin in labada dhinac ee iska soo horjeeda ay qarinayaan nooca hubka ay adeegsanayaan, gaar ahaan ururka Xisbullah oo xilliyada qaar soo bandhiga hub cusub oo ay ku bartilmaameedsadaan gudaha Israel.
Maalmihii la soo dhaafay, Xisbullah ayaa ku dhawaaqday hubka ay isticmaalayso markii ugu horreysay tan iyo markii ay billaabatay xiisadda xudduudda ee u dhexeysa Lubnaan iyo Israa’iil, waxaana ugu dambeysay Khamiistii, markii xisbigu bayaan uu soo saaray ku shaaciyay adeegsiga gantaallada casriga ah ee lagu bartilmaameedsado diyaaradaha kana hortaga gantaalada kale.
Tani waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii Ururka Xisbullah uu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla galbeedka magaalada Tiberias, weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gudaha dhulka Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka bilaabmay
Isticmaalka gantaallada S5 ee Xisbullah ayaa sare u qaaday welwelka Israel ee ku aaddan horumarinta hubka ay deegsanayaan kooxdan.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Xisbullah ay adeegsato diyaarad aan duuliye lahayn oo ku hubeysan gantaallada, halkii ay ka isticmaali jireen walxaha qarxa oo kooxda Lubnaan ay inta badan adeegsanayeen muddo bilo ah.
Khabiirka millatariga ee reer Lubnaan Janaraal Hisham Jaber, oo ah madaxa Xarunta Barriga Dhexe ee Daraasaadka iyo Xiriirka Dadweynaha, ayaa BBC u sharaxay, “Ganaalada waxa ay gaaraan bartilmaameedka saxda ah marka loo eego bambooyinka laga soo tuuro diyaarad aan duuliye lahayn.”
Shabakad ay Xizbullah ku leeyihiin barta Telegram-ayaa waxaa la soo dhigay sawirka nooca gantaalaha aan la hagi karin ee Ruushka ee S5, kaas oo dhererkiisu yahay 1.4 mitir, miisaankiisuna yahay afar kiilo garaam, isla markaana gaari kara 4 KM.






