spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Villa Somalia oo beenisay in Madaxweyne Xasan & Farmaajo ay kawada hadleen...

Villa Somalia oo beenisay in Madaxweyne Xasan & Farmaajo ay kawada hadleen guriga loo dhisay Farmaajo

0
5

Sabdi 7 Feb 2026 {HMC}   Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kawada hadleen arrinta ku saabsan guriga loo dhisay Madaxweynihii 9aad ee Dalka.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Xiriirka Bulshada waxa uu ku beeniyay arrintaas isaga oo sheegay in tani ay tahay mid xaqiiqada ka fog isla markaana aanay jirin wax wadahadal ah oo gurigaas la xiriira.

“Ma jiro wadahadal dhex maray Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsan dhismaha guriga la sheegay in Marko looga dhisay. Sheegashada Farmaajo, waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah, islamarkaana aan ka turjumayn masuuliyadda iyo culayska hoggaamineed ee xilligaasi saarnaa Madaxweynaha dalka,” ayuu yiri Agaasime Cabdicasiis Golfyare.

Waxa uu qoraalkiisa sii raaciyay “Waqtiga uu sheegay Madaxweyne hore Farmaajo in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay arrinta dhismaha gurigiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu si buuxda ugu mashquulsanaa dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dadaallada lagu xaqiijinayay deyn cafinta, ka shaqeynta qaadista cuna-qabataynta hubka ee saarneyd Soomaaliya, hagaajinta cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee aan caalamka la leenahay iyo xoojinta dhismaha hay’adaha dowliga ah”.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdicasiis Golfyare ayaa intaas ku daray in tani ay tahay nasiib darro maadaama uu sheegay in laga been abuurtay Madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib-darro in Madaxweyne hore oo dalka soo maamulay uu sameeyo been abuurasho iyo sheegasho aan xaqiiqo ku dhisnayn, isaga oo doonayo hadal-hayn warbaahineed” Sidaasi waxaa yiri, Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Villa Somalia, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare).

Waxa uu is dhinac dhigay lacagta la sheegay in ay ku baxday guriga loogu magac daray (Mahadsanid Madaxweyne) ee la tilmaamay in loo dhisay Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo duruufaha adag ay la daalaadhacayaan Dadka Soomaaliyeed.

“Xilligan oo ay dadka Soomaaliyeed la daalaadhacayaan duruufo adag, waxaa ayaandarro ah oo aanan ka tarjumayn dareenka mas’uuliyadeed ee laga filayo madax dalkan soo maamushay ama hadda leh damac hoggaamineed in la soo bandhigo guri ay ku kacday $300,000 xilli dadka Soomaliyeed abaaro la dhibtoonayaan.” Ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdicasiis Golfyare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here