Waa Imisa Dhaqaalaha Midowga Yurub ogolaaday Howlgalka AUSSOM.?

0
22

Axad 14, Dec 2025 {HMC} Kadib laba sano oo uu jiray cagajiid iyo diidmo dadban, Midowga Yurub ayaa ugu dambeyn muujiyay inuu diyaar u yahay maalgelinta ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya (AUSSOM).

Tallaabadan oo muujinaysa “sii socoshada taageerada” ayaa ah astaantii ugu caddeyd ee tilmaamaysa in ururka uu dib u la wareegayo doorkiisii ahaa maalgeliyaha ugu weyn, taas oo rajo u noqonaysa hawlgalka dhaqaale xumadu daashatay ee xilligan kala-guurka ah.

In kasta oo Midowga Yurub uusan weli bixin qaaraan dhaqaale oo ku aaddan hawlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee sanadka 2025, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in wada-hadalladii u dambeeyay ee dhex maray saraakiisha farsamada ee Brussels iyo Midowga Afrika ay yihiin kuwo rajo wanaagsan leh.

“Baaxadda iyo cadadka taageerada waxaa ka wada-hadla, iskuna raaca 27-ka Dal ee xubnaha ka ah Midowga. Waxaan ku dhawaaqi doonnaa marka heshiis buuxa laga gaaro xirmada guud,” ayuu yiri afhayeenka.

Dokumeentiyo horyaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in la filayo in Midowga Yurub uu ku dhawaaqo maalgelinta AUSSOM horraanta sanadka 2026.

Sanadkan, taageerada Brussels ee Soomaaliya waxay u badnayd gargaar bani’aadannimo, iyadoo gaartay €67.33 milyan — taas oo ka yar €82.16 milyan oo ay bixiyeen sanadkii 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here