KHAMIIS, 24 Jully 2025 {HMC} Maalmihii la soo dhaafay waxaa gobolka Gedo ka taagnayd xiisad u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, oo xiriirkoodu horey u ahaa mid aan wanaagsanayn.
Xiisaddan ayaa isku beddeshay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, kadib markii diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah oo sida wafdi uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ay gaareen magaalada Beledxaawo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cabdirashiid Janan u magacowday Madaxa ciidamada NISA ee gobolka Gedo, isaga oo qaabilsanaan doona xasilinta gobolkaasi.
Haddaba waa kuma Cabdirashiid Janan?
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Cabdirashiid Janan waxaa uu ku dhashay deegaan ku yaalla duleedka degmada Doolow oo lagu magacaabo Geedwayne. Cabdirashiid ayaa sidoo kale barbaarnimadiisii ku soo qaatay isla deegaanka Geedwayne ee waqooyiga gobolka Gedo.
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa la sheegaa in bilowgii 1995-kii uu ku biiray dagaalyahannada ururkii Al-Itixaad Al-Islaami, oo markaas ka arriminayay deegaannada gobolka Gedo. Cabdirashiid Janan ayaa ka qayb qaatay dagaallo uu ururka Al-Itixaad Al-Islaami deegaannadaas kula galay ciidamada Itoobiya.
Kadib markii Itoobiya ay la wareegtay gobolka Gedo sanadkii 1996-kii, Cabdirashiid Janan ayaa heshiis la galay jabhad la oran jiray SNF, oo gacansaar la lahayd ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa gobolka Gedo, una hoggaamin jiray Korneel Cumar Xaaji Masalle.
Ku biiridda jabhadda SNF ee Cabdirashiid Janan ayaa dhalisay isfaham dhex maray isaga iyo saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa deegaannada gobolka Gedo. Taasoo Cabdirashiid dhalacsiisay in sannadkii 2009-kii uu noqdo guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Cabdirashiid Janan ayaa hore loogu tilmaami jiray gacanta midig ee madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), isagoo horay usoo noqday wasiirka amniga ee maamulka Jubbaland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 31-da bishii August sanadkii 2019-ka Cabdirashiid Janan ku xirtay magaalada Muqdisho, iyadoo dowladdu ay ku eedaysay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Dhowr bilood oo uu dowladda Soomaaliya u xirnaa Cabdirashiid Janan ayaa xabsiga ka baxsaday 28-da bishii January 2020-ka, iyadoo la sheegay in uu doon ku tagay magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland.
Hay’adaha xuquuqul insaanka oo ay ka mid tahay Amnesty International ayaa sidoo kale Cabdirashiid Janan ku eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu ka gaystay gobolka Gedo.
Sanadkii 2017-kii, guddi u xilsaarnaa cunaqabataynta Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa Cabdirashiid Janan ku eedeeyay in uu gaystay xadgudubyo dambiyo ah, waxaana lagu eedeeyay in uu is hortaagay kaalmo bini’aadantinimo oo loo waday dad rayid ah oo u baahnaa intii u dhaxaysay sanadihii 2014-kii iyo 2017-kii.
Gobolka Gedo ayaa markale noqday xudunta khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, iyadoo sidaan oo kale ay ugu dagaalameen gobolka Gedo xukuumaddii faderaalka ee uu hugaaminayay madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Dagaalkii u dambeeyay ee shalay ka dhacay magaaladaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland eedo is weydaarsadeen.






