Waa kuwee Magaalooyinka Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee qaba HIV-AIDS ka.?

0
41

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Sida ay daaha ka qaadday xog uu sii daayey xafiiska xakamaynta xanuunka HIV-AIDS ee Wasaarada caafimaadka ee Soomaaliyasannadkii 2023-kii ayaa lagu sheegay in heerka cudurka ee Soomaaliya uu u muuqdo mid hoos u dhacaya.

Mashruuca HIV_AIDS ee Wasaarada Caafimaadka Federalka ayaa BBC-da u sheegay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkankaasi, guud ahaan Soomaaliya cudurka laga helay dad gaaray ilaa 438 ruux.

Tiradan ayaa ka dhigan, sida ay sheegtay mid muujinayso in dadaallada la sameeyey ay dhimeen kororka Dr.Sacdiyo Cabdisamad waxay BBC u sheegtay in magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Berbera iyo Bosaaso ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka la nool xanuunka HIV-AIDS.

‘’Sida la yaqaan adduunka xanuunku wuxuu ku badan yahay magaalooyinka, sidaa darteed waxaa soomaaliya ugu badan Muqdisho waayo waa magaalo caasimad ah, maagaalo xeebeed, dad tiro badan ku nool yihiin, ganacsi badan ka jiro’’ ayey intaas raacisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here