Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Mareegta caanka ah ee LADbible, ayaa soo bandhigtay sharraxaad ku saabsan wada-hadal adag oo dhex maray Trump iyo Macron, inta ay shalay ku sugnaayeen shirka nabadda Qasa ee Masar ay martigelisay, iyadoo mareegtan iyo warbaahin kale ay turjumeen hadalka dibnaha ee labada hoggaamiye;
•Trump ayaa ku bilaabay isagoo dhoolla caddeynaya: Waan ku faraxsanahay inaan ku arko, haddii aad adiguku faraxsan tahay.”
•Macron kama jawaabin marki hore, maadaama uu kamaradda diiradda saaray.
•Trump ayaa markaas ku yiri: Runtii?
•Macron ayaa ugu jawaabay: Dabcan.
•Trump ayaa yiri: Way wanaagsantahay… laakiin ogow sababta,waad i dhaawacday, waan ogahay, anigaa nabadda doorbida.
•Inta uu hadalku socday, Trump ayaa gacanta si xoog leh ugu u hayay Macron isagoo aan rabin inuu sii daayo.
Macron ayaa isku dayay inuu gacantiisa kala baxo isagoo leh; Raalli iga ahow, balse Trump ayaa mar kale si xoog leh u jiiday gacanta.
•Markaas Macron ayaa si deggan ugu yiri: Aan arrintan kaga hadalno meel gaar ah.
•Trump ayaa ku jawaabay: Anigu waan ciqaabaa cidda i dhibta.
•Macron ayaa ugu jawaabay: Waan fahmay, laakiin waad arki doontaa, waana ogaan doontaa waxa dhici doona.
Trump ayaa ugu dambayn yiri: Samee, aan aragno — waan kula kulmi doonaa goor dhow.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta muranka ay ahayd go’aankii Macron ee aqoonsiga dawladda Falastiin, balse dad badan ayaa aaminsan in arrintu ka weyntahay taas, oo laga yaabo inay la xiriirto khilaafka Ukraine ama xitaa isfaham la’aantii hore ee siyaasadeed ee muddada dheer u dhaxaysay labada hoggaamiye.
Waxaa la xasuustay inuu shalay Trump si cad u sheegay goobta inay joogaan hoggaamiyeyaal uu nacebyahay, isagoon aan magacaabin.
W/Q Iman Jamac






