Khamiis 12 March 2026 {HMC} Waddamada Khaliijka oo markoodii ugu horeysay si adag u cambaareeyay Israa*l tan iyo markii uu bilowday dagaalka Bariga Dhexe.
Qaar ka mid ah Dawladaha Khaliijka iyo waddamada Turkiga,Masar, Pakistan iyo Indooniisiya ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada maamulka Israa*l uu ku xiray Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.
Qoraal si wadajir ah ay waddamadan u soo saareen ayaa lagu yiri:
“Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Urdun, Imaaraadka Carabta , Qadar, Indooniisiya, Pakistan, Masar, iyo Turkiga waxay cambaareynayaan tallaabada ay sii wadaan maamulka gumeysiga Israa*l ee ah xiritaanka albaabada Masaajidka Al-Aqsa, taas oo ka hor istaagaysa Muslimiinta inay ku cibaadeystaan, gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.”



