Talaado 31 March 2026 {HMC} Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koofur Galbeed waxaa gaarey wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Wasiirka Awkhaafta, Roobow, Wasiirka Ariimaha Gudaha, Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Cabdisalaam Dhaay iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiye Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa kulamo la qaadan doonna Wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ee gacanta ku haya Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Sidoo kale, Wafdigaan ayaa lagu wadaa ay kulamo la yeeshaan qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga tashado mustaqbal Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed maadaama uu isbaddel cusub uu galay Maamulkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u maamuleysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo maalintii shalay laga saarey gacanta Maamulka Koofur Galbeed.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la saaro go’aanno la xiriira maamul dhiska Koofur Galbeed iyo adkeynta Amniga guud ee deegaannada dowlad gobolleedkaasi.



